Nin U Dhashay Ingiriiska Oo La Hor Keenay Maxkamadda Gobolka Banaadir

Nin U Dhashay Ingiriiska Oo La Hor Keenay Maxkamadda Gobolka Banaadir

Dhagaysiga Dacwada Muranka Badda Ee Kenya Iyo Somalia Oo La Mudooyey
Wufuud Itoobiyaan Ah Oo Galaa-baxaya Berbera & Maayarka Jigjiga Oo Hargeysa Jooga
Maraykanka Oo Sheegay In 2.2 Milyan Oo Soomaali Ahi Abaar Waajahayaan
Wasiir Khaarajiyaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Ethiopia
Yemen: Khasaaraha Ka Dhashay Ciidan Qalinjabinayey Oo Weerar Lala Bartilmaameedsaday

Muqdisho, (HCTV) – Nin u dhashay dalka Britain oo magaciisa la yidhaa Andrew Braian Irlam ayaa maanta la horkeenay Maxkamada gobolka  Banaadir ee dalka Somalia.

Ninkan Ingiriiska ah ayay soo xidhay hay’adda amaanka u qaabilsan Somalia bishii January ee sanadkan 2019-ka, kaas oo markii la xidhay doonayey inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaana lagu eedeeyey inuu dhoofinayey oo uu doonayey inuu diyaarad la koro walxaha qarxa, sida ay sheegeen hay’addaha amaanka Somalia.

Hase yeeshee Xeer-ilaalinta Somalia ayaa ku eedeeyay Andrew Braian Irlam inuu carqaladeeyay nabad-gelyadda dadweynaha iyo in aanu  ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa oo uu ku watay boorso xili uu doonayey inuu ka duulo Madaarka Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde Airport.

Ninkan la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir ayaa intii uu ku xidhnaa xabsiga dhexe waxa la sheegay inay ku weerareen maxaabiis la xidhneyd, kuwaas oo hore uga mid ahaa ururka Daacish waxaana soo gaadhay dhaawacyo fudud.

Maxkamada ayaa guud ahaan dhageysatay eedaha ka dhanka ahaa Andrew, iyadoo wali  Maxkamaddu aanay ku dhawaaqin xukunka lagu riday ninkaasi Ingiriiska ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: