Madaxweyne Farmaajo Oo Celiyey Jinsiyadii Maraykanka Ee Uu Haystay

Madaxweyne Farmaajo Oo Celiyey Jinsiyadii Maraykanka Ee Uu Haystay

Ethiopia Oo Dib U Dhigtay Doorashooyinka Guud Coronavirus Oo Fidaya Darteed
Somaliland Iyo Ireland Oo Isku Fahmay Xidhiidh Ay Yeeshaan
Liibiya: 42 Qof Oo Ku Dhintay Xaflad Aroos Oo Diyaaradi Duqaysay
Dawladda Qadar Oo Dhisaysa Dekedda Magaalada Hobyo
Ugu Yaraan 40 Qof Oo Ka Qaybgalayey Xafladd Aroos Oo Lagu Dilay Liibiya

Muqdisho, (HCTV) – War-saxaafadeed:- Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra’iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA

COMMENTS

%d bloggers like this: