Puntland Oo U Dabaal-Degtay 21 Guurada Aasaaska Maamulkaasi

Garoowe, (HCTV) – Maamul goboleedka Somalia ee Puntland ayaa maanta u dabaal-degay Aasaaskii dowladd-gobolleedkaasi oo ay ka soo wareegtay mudo 21 sanno ah.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa la aasaasay sanadkii 1998-kii, waxaana Madaxweynihii ugu horeeyey ka noqday Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ahaa Aasaasihii maamulkaasi.

Munaasabadda balaadhan oo loogu dabaal-degayo Aasaaskii maamul goboleedka Puntland oo si fiican loo soo agaasimay ayaa ka dhacaysa xarunta maamulka ee Garoowe, waxaana wadada hal-bowlaha ah socod Gaardis ah ku maray Ciidamada kala duwan ee Maamul Goboleedka Puntland iyo gaadiid milatariga ee tignikada.

Munaasibadan loo qabtay aasaaskii maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ka soo qaybgalay wufuud kala duwan oo ka socotay dawlada Federalka ee Somalia, iyadoo munaasibado dabaal deg ah lagu qabtay dhamaan deegaanada maamul goboleedka Puntland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.