Haweenay 107 Jir Ah Oo Dadka La Wadaagtay Sirta Mudadii Ay Noolayd “Waligay Maan Guursan”

New York, (HCTV) – Haweenay u dabaal degtay dhalashadeedii oo laga joogo 107th sanadood ayaa maalintii shalay dadka la wadaagtay sirta ku duugan mudadii dheerayd ee ay noolayd, qaabkii ay u noolayd, iyo in aanay waligeed guursan.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaa Louise Signore, ayaa ku nool Bronx oo ku taala New York, waxaanay sheegtay in ay joogtaysay inay cunto cunto dheeli tiran iyo jimicsi ay si joogta ah u samayso oo xataa ay xariifad ku taxay jaaska. Balse waxa ay rumaysan tahay sababta dhabta ah ee nolosha qarniga ka badan ay tahay in aanay waligeed xidhiidh lamaane samayn.

“Hadii ay jimicsadaan, ana waan jimicsadaa. Hadii ay Jaasaan, ana waan Jaasaa. Ilaa hada in yar ayaan sameeyaa qoob-ka-ciyaarka. Marka aan qadeeyo. Waxaan ciyaaraa bingo, ” sidaasi ayay u sheegtay Signore CNN.

“Waxaan filayaa sirta 107; Waligay maan guursan. Waxaan u malaynayaa taasi inay tahay sirta. Walaashay ayaa tidhaa, “Waxaan Rajaynayaa In Aanan Guursan.”

Haweenaydan da’da ah ayaa waxa ay sidoo kale walaal la tagay gabadh kale oo da’deedu jirto 102 sida ay u sheegtay Wariyaha barnaamijka WCBS.

Signore ayaa u dabaal degtay maalinta hoosta ka xariiqaysa dhalashadeeda, waxaana xaflad heersare ah oo ay ugu dabaal degayso dhalashadeeda oo ka dhacday Bartow Community Center oo ku taala Coop City, kala soo qaybgalay dad ka badan 100 qof.

Hase yeeshee Alelia Murphy oo jirta 114 sanadood ayaa wakhti xaadirkan haysata rikoodhka haweenayda ugu da’da weyn dalka Maraykanka. Marphy ayaa iyadu waxa ay ku nooshahay Harlem oo ku taala New York, halkaas oo sidoo kale ah halka Signore ay ku dhalatay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.