“Golaha Wakiillada Waxaan Leeyahay, Maanta Xantii Way Rumoobaysaa Ama Way Beenoobaysaa..” Cirro

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in qabsoomidda doorashada Golaha Wakiilladu ku xidhan tahay siday u suurto-gasho heshiiska lagu kordhinayo Tirada Xubnaha Komiishanka doorashada oo xilligan 7 xubnood ah, balse Toddobaadkii hore Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen in laga dhigo 9 Xubnood.

In Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka laga dhigo 9 Xubnood oo lagu kordhiyo 2 xubnood oo cusub ayaa waxay ku xidhan tahay in laga ansixiyo Golaha Wakiillada Somaliland, ka dib marka Xildhibaannada Xisbiyada Saddexda Xisbi Qaran ay diyaariyaan Mooshin ay arrintaa ku dalbanayaan, sidaasi darteed ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuxuu farriin arrintaa ku saabsan u diray Mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

Mudane Cirro oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Heshiiska Xisbiyada qodobka koowaad wuxuu ku saabsanaa in la kordhiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, iyadoo la raacayo Xeerka, wax ka beddelka iyo Kaabista waxa iska leh Baarlamaanka oo labada Aqal ka kooban (Wakiillada/Guurtida), waxa la isla gartay in Baarlamaanka la hor-geeyo Mooshin ay wada saxeexeen Xildhibaannada Saddexda Xisbi Qaran, Madaxweynaha, Kulmiye iyo Asxaabta Mucaaradkuna ka wada shaqeeyaan siday arrintaasi u suurto-geli lahayd, waxa la isla qaatay in 8-da bisha August, 2019 la horgeeyo Golaha.”

Guddoomiyaha WADDANI wuxuu farriin u diray Xildhibaannada Golaha Wakiillada “Waxaan kalmad u jeedinayaa Golaha wakiillada, Saaxiibbaday in badan baa la xamanayey, Maanta Xantii way rumoobaysaa ama way beenoobaysaa, 15 sanadood ayay fadhiyeen, Dadkuna waxay ku xumanayeen ma rabaan inay kuraasta ka kacaan, maaddaama oo khilaafkii Xisbiyadu soo dhamaaday Maanta arrintu gacantooda ayay ku jirtaa, waana imtixaan la imtixaamayo, diidmada ama ogolaanshaha Mooshinkaasi wuxuu ka marag kici doonaa in Xantu rumowdo oo ay doorashada diiddan yihiin iyo  inay aqbalaan oo ay beenowdo isla-markaana ay diyaar u yihiin inay kuraasta ka kacaan, doorashaduna ay suurtowdo.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka