Wiil Hargeysa Ka Tahriibay Oo Dib Loogu Soo Celiyey Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Cabdiqani Jamaal Mowliid oo Wiil dhallinyaro ah oo isaga iyo Dhallinyaro kale oo Soomaali laga soo celiyey Dalka Liibiya ayaa ka warramay Duruufihii uu soo maray.

Wiilkan oo ka Tahriibay Magaalada Hargeysa, ayaa isaga iyo Dhallinyaro kale Maanta laga soo celiyey Dalka liibiya, waxayna ka soo degeen Magaalada Muqdisho oo ay keentay Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Cabdiqani Jamaal Mowliid oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo HCTV soo xiganayo ayaa ka warramaya siduu uga Tahriibay Magaalada Hargeysa wuxuu yidhi “Waxaan ka tagay Caasimadda Hargeysa, waxaan maray Itoobiya, Suudaan illaa Liibiya.”

Cabdiqani waxa kale oo uu sheegay “Waxaan ka tagay Xaafadda Jigjiga yar ee Hargeysa, intii aan Waddada marayey dhibaato aad u badan baan arkay, Gaajo waan arkay, oon wuu jiray, Saxaraha illaa 3 Cisho ayaan ku jiray oo biyo la’aan iyo Cunto la’aan ah, gaadhi yar oo Xaajiyad ah ayaa illaa 30 Qof xoog lagu saarayaa, Wiil iyo gabadh midna lama eegayo, kii dhacana Nasiibkii halkaa Saxaraha ah ayuu ku hadhayaa oo uu ku dhimanayaa.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dhibaatada ugu badani waa jidh-dilka iyo dhibaatooyin badan oo Hablaha lagu sameeyo.

Lacagta iga baxday waxaan ku qiyaasi karaa 15 kun oo dollar, lacagtaana waxa iga bixiyey Qoyskayga.”

Wiilkan oo la waydiiyey wuxuu qaban jiray markuu Hargeysa ayaa ku jawaabay “Markaan Hargeysa ka tagay Arday baan ahaa..”ayuu yidhi.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka