Duqii Muqdisho Oo U Geeriyooday Dhaawac Dalka Dibeddiisa Loo Geeyay

Dooxa (HCTV) – Warar Telefiishanka HCTV ka soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Cisbitaal ku yaalla Magaalada Dooxa ee Caasimadda Dalka Qadar ku Geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow.

Allaah ha u naxariistee, Marxuumka ayaa Qadar loo geeyay dhaawac ka soo gaadhay Qarax lala beegsaday Xafiiskiisa 24-kii Bishii hore ee July, 2019, dhaawacaas oo cuslaa.

War ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya Maanta, ayaa xaqiijiyey Geerida Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow.

Weerarka Qaraxu ka soo gaadhay ayaa waxa Masuuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-shabaab, taasi oo sheegtay inay Qaraxaasi ku bartilmaameedsanayeen Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo Daqiiqado ka hor ka baxay Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho.

Weerarka uu dhaawaciisa Maanta u Geeriyooday Duqii Muqdisho, ayaa waxa kale oo isla Maalintiiba ku Geeriyooday Saddex Guddoomiye Degmo iyo Agaasimeyaal ka mid ahaa Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka