Xildhibaan George Theuri Oo Maalin Dhan Xambaarsanaa Ilmo Uu Dhalay

Nairobi, (HCTV) – Xildhibaanka George Theuri oo laga soo doortay degmada Embakasi ee galbeedka magaalada Nairobi ayaa amaan u jeediyay hooyooyinka kadib markii uu sameeyey sida ay caruurta u daryeelaan hooyooyku.

Xildhibaankan dhalinyarada ah ayaa dhawaan la wadaagay dadka inuu maalin dhan uu xambaaray wiilkiisa, waxaanu tilmaamay in daryeelida caruurta ee hooyadu aanay ahayn in la iska socdo meel barxad ah.

Isagoo muuqaalka sawirka uu xambaarsan yahay wiilkiisa ku dul qoray faruun uu wiilkiisa yar uu kula hadlayo oo ah “Enyewe ixtiraam dhammaan hooyooyinka banaanka jooga”.

Waxaanu sidoo kale uu sheegay Xildhibaanku in xaaskiisu ay tahay mid dhinacyo badan ka taageerta, isla markaana uu ku daalay sida xirfada leh ee hooyooyinku ay ula xidhiidhaan Caruurta yaryar.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa uu qoraalka uu soo galiyey baraha bulshada uu yidhi “Xaaskayga Cynthia Gitonga hadii ay dhacdo inaad akhrido qoraalkan aan soo post-gareeyey fadlan ii dabacsanow oo ii naxariiso aniga,”.

Dambiyadii Hore

Laba sano ka hor xili lagu gudajiray dhalashada xaaskiisa, Theuri waxa uu daboolka ka qaaday sida Xaaskiisu ay u barbar istaagtay isaga, inkasta oo uu dambiyo hore galay.

“Markii qofna aanu doonayn inuu xidhiidh ila sameeyo sababtoo ah falalkeyga dambiyada darteed, waad ku faantaa inaad i garab istaagto, markii qof kasta oo kale ka xishoonayay adiga ayaa i garab istaagay.

Waxaan doonayaa in adduunka oo dhami ay ogaadaan inaan aad kuu jeclahay waxaanan kuu sharfayaa oo aad u qiimeeya marwalba adiga oo ah boqoradeyda kaliya.” ayuu qoray Xildhibaanku isagoo Ixtiraam u muujinaya Xaaskiisa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA