“Dul-Qaadka Shakhsiga Ahi, Waa Gobanimo..” Masuul Kulmiye Ah Oo Fasiray Hadal Madaxeynaha Ka Soo Yeedhay

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye,  xildhibaan   Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa hadlay  dilalka muddooyinkan danbe soo badanayay ee  loo gaysanayay askarta ka tirsan ciidamada Somaliland.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa,  waxa kale oo uu sheegay in si khaldan loo turjumay  hadalkii Madaxweyne  Muuse Biixi kaga hadlayay labadii Askari ugu danbeeyay ee todobaadkii hore lagu dilay degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Waxaanu bulshadda degaamadaasi xasuusiyay in aanay jirin haba yaraatee wax dhibaato ah  oo ay dadka shacabka ah u  gaystaan ciidanku, waxaanu xusay in ciidamadu ay ka shaqaynayaan nabadgeliyada dadka degaamadaasi.

Waxaanu yidhi “Dul-qaadka shakhsiga  ahi, waa gobanimo. Laakiin, dul-qaadka xukuumadda ah ee  sharciga ah, dawladnimada oo dhacdooyin fool xun oo dhacay ah, oo laga indho qarsado,  waa dhaliil. Markaa dul-qaadka uu sheegayo madaxweynuhu ma aha ka shakhsiyadiisa ah,  ee waa dul-qaadka xukuumadda ee   sharciga  la  fulin waayo, ayuu ka hadlayay madaxweynuhu. Madaxweynuhu siduu hadalkaa u yidhi iyo sida loo turjumay, waa laba kala fog”.

“Ciidanku waa ciidan qaran,  sharci ayaanu ku joogaa Ceel-afweyn iyo dalka intii kale-ba. Askartu  amaanka iyo sharciga ayay ilaaliyaan, ummada ayay ku kala dhex jiraan, wax dhibaato ah oo ay gaysanayaa-na  ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaan og nahay in askar badan la dilay sabab la’aan. Waxaana loola coloobay sharciyada ay fulinayaan askartu, taasina waa khalad. Markaa turjumaadda hadalkii madaxweynaha laga bixiyay,  waa mid khalad ah, oo aan ahayn teedii saxda ahayd”ayuu yidhi xildhibaan Warfaa oo  warbaahinta la hadlay.”

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo wax laga waydiiyay xeerka doorashadda baarlamaanka ee horyaalla golaha Wakiillada ayaa rejo ka muujiyay in xeerkaasi uu dhammaan doono “Baarlamaanka waxaa horyaalla xeerkii doorashadda golaha  Wakiillada,  in uu dhaqan-gallo xeerkaasi   ayaan rejaynayaa, waxaanan qabaa in doorashada golaha Wakiilladu ay qabsoonto, wixii caqabado ah ee hortaagana way dhamaatay, wixii kale ee ka hor yimaaddana, way iska dhammaan doonaan, saddexda xisbi-na waa kuwii (Heshiiska) ka gaadhay qabashada doorashada golaha Wakiillada”.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka