Dawlada Seychelles Oo Cambaaraysay 19 Maxbuus Oo Somaliland Sii Daysay

Seychelles, (HCTV) – Dawladda Seychelles ayaa cambaaraysay talaabada Somaliland ay ku sii daysay 19 maxbuus oo loo xukumay falal budhcad badeednimo ah oo Somaliland oo loo wareejiyey si ay xukunka Seychelles ay ku riday ay ugu dhamaystaan xabsiyada Somaliland.

Dawlada Somaliland ayaa maalintii khamiistii sii daysay 19 Maxbuus oo Seychelles ay ku xukuntay 3, 36 iyo 42 sanadood oo xabsi ah ragaasi budhcad badeeda ah.

Sanadkii 2011-kii ayaa labada dal ay kala saxeexdeen heshiis isfaham oo loogu soo wareejinayo maxaabiistaasi la xukumay oo ay wada galeen dawladda Somaliland iyo Seychelles.

Waxaana sanadkii 2012-kii 19-kaasi Maxbuus ee la xukumay loo soo wareejiyey xabsiga Somaliland halkaas oo ay ahayd in budhcad badeedaasi ay xukunkooda ku dhamaystaan.

Dawlada Seychelles oo ah dal ku yaala Jaziirada badda Indian Ocean-ka, ayaa warqad usoo qoray ay ku socodsiinayaan Somaliland, taas oo ay ku cambaaraynayaan talaabadaasi lagu sii daayey maxaabiista aan xukunkooda dhamaysan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.