India Oo Dib U Celisay Madaxweyne Ku xigeenkii Hore Ee Maldives Oo Magangalyo Dalbaday

Tamil Nadu state,(HCTV) – Dalka Hindiya ayaa dib u celiyey Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maldives Ahmed Adeeb, kaas oo lagu eedeeyey inuu dambiyo ay ka mid yihiin iskuday dil iyo eedo musuqmaauq uu ka soo galay dalkiisa, kadib markii uu isku dayey inuu u baxsado dibada oo uu magangalyo siyaasadeed uu ka dalbaday dalka Hindiya, sida ay ku waramayaan saraakiisha dalkaasi.

Siyaasigan Axmed Adeeb ayaa dalka India ka soo galay xeebta dhinaca koonfureed ee dekeda Tuticorin oo ku taala gabolka India ee Tamil Nadu state, kaas oo loo xidhay inuu dalkaasi si sharci daro ah usoo galay isagoo aan sidan wax Baasaaboor ah.

Axmed Adeeb iyo sagaal kale oo xubno ka ah ayaa ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka India ay dib ugu gacan galiyeen ciidamada amaanka ee dalka Maldivian, sida ay sheegayaan wararka laga helayo saraakiisha bileyska ee dalkaasi.

“waxa maamulka dalkaasi loo gacan galiyey subaxnimadii hore ee maanta oo sabti ah,” sidaasi waxa yidhi Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee magaalo dekedeeda Tamil Nadu oo u waramay wakaalada wararka ee AFP.

Axmed Adeeb ayaa xabsi ku yaala dalka Maldives laga sii daayey bishii May kadib markii maxkamad ku taala dalkaasi ay laashay dambiyadii la xidhiidhay inuu isku dayey inuu dilo madaxweynaha dalkaasi Abdulla Yameen sanadkii 2015.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.