Hogaamiyihii Mucaaridka Ruushka Lyubov Sobol Oo La Xidhay

Moscow, (HCTV) – Hogaamiyihii mucaaridka dalka Ruushka Lyubov Sobol ayaa xabsiga loo taxaabay, taas oo lagu eedeeyey in magaalada Moscow ay ka abaabushay dibad-bax aanay fasax u haysan.

Ms Sobol waxaanay saarnayd Taxi xiligii ciidamada bileysku aanay ku horjarin gaadhi madow oo ay wataan oo aanay soo xidhin.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dibadbaxayaal ay isugu soo urureen caasimada dalka Ruushka, kuwaas oo ay wehelinayeen musharixiin tiro badan oo u taagan doorashada golayaasha deegaanka oo dalbanayay in dalkaasi ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Haweenaydan Ms Sobol, oo ah qareen iyo video blogger, ayaa ah musharaxada kaliya ee laga saaray inay ka tartanto doorashada deegaamada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.