Tirada Dad Carruur Ku Jirto Oo Ku Dhintay Toogasho Ka dhacday Maraykanka Iyo Wararkii U Dambeeyay

USA (HCTV) – Ugu yaraan 20 Qof ayaa ku dhintay Magaalada El Paso ee Gobolka Taxes ee Dalka Maraykanka, ka dib markii Dad badan oo ku sugnaa Tukaan uu Nin si aan kala sooc lahayn Rasaas ugu furay.

Weerarka ayaa ka dhacay Tukaan ay lahayd Shirkad lagu Magacaabo Walmart, kaasi oo ku yaalla Magaalada El Paso ee Dalka Maraykanka, waxaana Weerarkaa ku dhaawacmay Tobanaan Qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta Maraykanku.

Ninka Weerarkan geystay ayaa Magaciisa ay Warbaahinta Maraykanku ku sheegeen Patrick Crusius.

Ninkan Weerarka geystay oo la sheegay inuu markii dambe Booliska isku dhiibay, ayaa Dadka uu rasaasta ku dhaawacay waxa ka mid ah laba Carruur ah oo midna 2 jir yahay, midna 9 jir yahay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee Muddo Toddobaad gudihii ah ka dhaca dalka Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka