Weerar Kale: Nin Hubaysan Oo 9 Qof Ku Dilay Maraykanka

Ohio (HCTV) – Nin Hubaysan ayaa ugu yaraan 9 Qof ku dilay Magaalada Dayton oo ka mid ah Ismaamulka Ohio ee dalka Maraykanka.

Ninka Weerarka geystay ayaa Markii dambe Ciidammada Boolisku toogasho ku dileen, Axadda Maanta sida Madaxda Boolisku Xaqiijiyeen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee 24-kii Saacadood ee u dambeeyay ka dhacay Dalka Maraykanka.

Weerarkan Dayton ayaa Tirada 24-kii saacadood ee u dambeeyay lagu dilay Maraykanka ka dhigaysa 30 Qof, maaddaama oo weerarkii kan ka horreeyay ee lagu qaaday Tukaan ku yaalla  Magaalada El Paso ee Gobolka Texas, kaasi oo ay ku dhinteen Dad tiradooda lagu sheegay 21 Qof.

Ku xidhnoow HCTV.TV

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka