IRAN Oo Qabsatay Markab Kale Oo Sida 700.000 Litir Oo Shidaal Ah

IRAN (HCTV) – Ciidammada Badda ee IRAN ayaa qabsaday Markab Shidaal, kaasi oo noqonaya kii saddexaad ee ay qabsato inta xiisadda Gacanta Persia kacsan tahay.

IRAN waxay sheegtay inay Markabkan u qabsatay inuu Shidaal u siday Dawladaha Carabta, sida laga soo xigtay Warbaahinta IRAN.

Sarkaal ka mid ah Ciidammada ilaalada Kacaanka IRAN ayaa laga soo xigtay inuu axadda Maanta yidhi ‘Markabka aanu qabsanay wuxuu siday 700.000 litir oo shidaal ah..”  sida ay Al-jazeera baahisay.

Markabkan oo ay saaran yihiin 7 Shaqaale ah ayaa Sarkaal ka mid ah Ilaalada Kacaanka IRAN wuxuu sheegay inuu shidaal kala wareegay Maraakiib kale “Markabkan Shisheeye, Shidaalka wuxuu ka helay Maraakiib kale, waxaanu u gudbinayey Dawladah Gacanka Persia..” ayuu yidhi, Gen. Ramazan Zirahi.

Markabka iyo Shaqaalihii saarnaa ayaa lagu xidhay Dekedda koonfurta ku taalla Bushehr.

Markabkan weli lama sheegin Waddanka laga leeyahay, laakiin wuxuu noqonayaa kii saddexaad ee IRAN qabsatay.

Wararka ka imanaya Magaalada Tehran ee Caasimadda IRAN, ayaa sheegaya inay Markabka ka qabsatay IRAN meel u dhow Jaziirradda Farsi.

IRAN waxay hore u haysatay Markabka Stena Impero oo Ingiriiska laga leeyahay iyo Markab kale oo sita Calanka Dalka Panama.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka