Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Hadalkii Wasiirka Warfaafintu Uu Waxyeelayo Wad-jirka Ummadda

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa iska difaacay eedaymo uu u jeediyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland, kaasi oo ahaa in Jabhadda Caarre tahay Farac ka mid ah Xisbiga WADDANI.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa WADDANI ku eedeeyay inay u naxayaan Jabhadda Caarre, taasina muujinayso in jabhaddaasi tahay Farac ka mid ah WADDANI.

Laakiin, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo u jawaabaya Wasiirka Warfaafinta wuxuu ugu horrayn sheegay mowqifka Xisbiga WADDANI ee arrinta Caarre “Mar labaad ayaanu ku celinaynaa, Arrinta Caarre Xal aan Wada-hadal ahayn iyo dul-qaad lahayn malaha, waxa taa ka soo horjeedaana waa in qudhun iyo dhiidhi looga sii dhaadhaco, ta annagu aanu ku celinaynaa, Guddoomiyuhuna ka hadlay waa in arrinta Caarre Wada-hadal, Xikmad iyo Dul-qaad Madaxweyne lagu xalliyo.”

Xogyahuhu wuxuu toos ugu jawaabay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye, waxaanu yidhi “Wasiirka Warfaafintu hore wuxuu yidhi, Xisbiga WADDANI waa Soomaali-weyn, waxaanu garanayn hadalka uu odhanayaa Macnaha uu leeyahay iyo saamaynta uu yeelanayo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sidaad la socotaan Radio Hargeysa haddaad deegaanka Halleeya gaadho ma dhegaysan kartid, Telefiishanka Qaranka qaybtiisa Guduhuna way fadhidaa, markaa markuu Idaacad iyo Telefiishan Maamuli kari waayay in marka Arrimaha waaweyn ee Qaranka Madaxda Xisbiyadu ka hadlaan inuu Mirqaan hadlo, waxaan is leeyahay dhaawac weyn bay u geysanaysaa Sumcaddii iyo Wada-jirkii..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka