Shaqo Joojin Ay Ku Dhawaaqeen Shaqaalaha Heathrow Airport Oo Saamayna Ku Yeelatay 177 Duulimaad

London, (HCTV) – Shaqojoojin qorsheysnayd oo ay sameeyeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ayaa la hakiyey si loogu oggolaado wadahadallo dheeri ah oo u dhexeeya maamulka garoonka diyaaradaha iyo mas’uuliyiinta midowga Shaqaalaha.

Shaqaalaha garoonkan diyaaradaha oo ay ku jiraan saraakiisha nabadsugidda, dab damiska iyo injineerrada ayaa lafilayaa inay bilaabaan shaqo joojinta 48-saacadood oo ay kaga cabanayaan mushaharkooda oo hooseeya. Madaarka diyaaradaha ayaa hore u baajiyay 177 duullimaad oo qorshaysnaa Isniintii iyo Salaasadii.

Waxaana Duullimaadyada la joojiyey qorshahoodu ahaa in ​​30,000 oo qof oo rakaab ah ay qaadaan, taasoo ka dhigan 7% wadarta tirada dadka imanaya iyo safarradooda.

Garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ayaa sida caadiga ah waxa ka duuli jiray 1,300 duullimaad oo qaada 220,000 qof maalin kasta. Ilaa hada ma cada wakhtiga loo qorsheeyey 177 duulimaad ee la joojiyey xiliga ay dib u bilaabmayaan.

Diyaaradaha Duulimaadyadooda la joojiyey ayaa waxa ka mid ah Flybe, British Airways, Air Canada, Switzerland, Lufthansa, Etihad, Qatar Airways, Aer Lingus, iyo TAP Air Portugal.

Dhinaca kale shirkadda Emiratt ayaa iyaduna soo saartay digniino ku saabsan duulimaadyadaasi baaqday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.