Xaalad Hor Leh Oo Ka Soo Cusboonaatay Kashmir Kadib Talaabooyin India Ay Qaaday

Security personnel question motorists on a street in Jammu on August 5, 2019. - Authorities in Indian-administered Kashmir placed large parts of the disputed region under lockdown early August 5, while India sent in tens of thousands of additional troops and traded accusations of clashes with Pakistan at their de facto border. (Photo by Rakesh BAKSHI / AFP) (Photo credit should read RAKESH BAKSHI/AFP/Getty Images)

Kashmiir, (HCTV) – Dowladda India ayaa ku dhaqaaqday wareegto madaxweyne oo tirtiraysa heer gaar ah oo ay leedahay maamulka Kashmir ee India, taas oo noqonaysa talaabadii siyaasadeed ee ugu balaadnayd ee laga gaadho gobolka lagu muransan yahay ku dhawaad ​​toddobo sano.

Wasiirka Arimaha Gudaha Amit Shah ayaa baarlamaanka u sheegay Isniintii maanta in madaxwaynuhu saxeexay wareegto uu ku joojinayo qodobka 370 ee dastuurka oo cabbiraya madaxbanaanida gobolka Himalayan ee aqlabiyadda muslimiinta.

“Dastuurka ayaa lagu dabakhi doonaa Jammu iyo gobolka Kashmir,” Shah ayaa u sheegay Baarlamaanka oo iyadu diido hor leh kala hor yimid arintaasi.

Qodobka 370 ee dastuurka ayaa ka mamnuucaya Hindida ka baxsan gobolka inay si joogto ah u degaan, iibsadaan dhulka, qabtaan shaqooyinka dowladda hoose iyo inay sugaan deeqaha waxbarasho.

Wareegtada, ayaa la soo saaray saacado kadib markii lagu soo rogay xaaladd degdeg ah Kashmiirta lagu muransan yahay, wuxuu sheegay in tallaabadaasi dhaqan gashay “hal mar”.

Dalka Hindiya ayaa wakhti xaadirkan ciidamo hor leh soo dhoobay gudaha magaalada Kashmir, waxaana talaabooyinka dalka Hindiya uu ku dhaqaaqay si weyn u cambaaraysay dalka Pakistan oo muran xoogle uu kala dhexeeyo dalka Hindiya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.