Soomaaliya: Ciidammo Loo Diyaariyey La-dagaalanka Al-shabaab

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la diyaariyey Ciidamo gaar u ah la dagaalanka Kooxda Al-shabaab iyo inay ka saaraan deegaannada ay haystaan.

Ciidammadan oo Tababbar loogu soo xidhay xerada Gen. Goordan, ayaa waxa Maanta booqday Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ciidammadani daba socdaan Ciidamo hore sidan oo kale loo Tababbaray isla-markaana xorreeyay deegaano ay hore Al-shabaab u haysatay.

Warka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaaraha oo hadal u jeediyey Ciidammada Tababbarka loo soo xidhay uu Ballan-qaaday in Ciidammada loo dhamaystirayo wixii ay xaq iyo xuquuq u leeyihiin.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka