Siyaasi Haystay 6 Shahaadooyin Jaamacadeed Ah Oo Geeriyooday Isagoon Bilaa Shaqo Ah

Kenya (HCTV) – Dr. Dr Reuben Savai oo da’diisu ahayd 70 jir ayaa Geeriyooday.

Dr. Dr Reuben Savai ayaa sanadihii 1997 iyo 2002-dii isku sharraxay Xilka Madaxweynenimo ee dalka Kenya, balse waxa ka reebay Guddiga doorashooyinka.

Geerida Ninkan dhowrka jeer isa soo sharraxay ayaa waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Wiilkiisa oo lagu Magacaabo Mr Daniel Lihanda.

Siyaasigan Geeriyooday oo haystay 7 Shahaado, Lix Degree (shahaadada koowaad ee Jaamacadda) iyo Shahaado Diploma ah, ayaan weligii qabanin Shaqo rasmi ah oo uu ku mutaysto Aqoonta uu bartay ee lagu siiyey Shahaadooyinka tirada badan.

Dr Savai ayaa Lixda shahaado ee heerka Degree-ga ah ka qaatay Dalka Giriigga, halka uu Shahaadada Diploma-na ka qaaday Jaamacadda Makerere University ee dalka Uganda.

Dr Savai ayaa sanadihii 1997-kii iyo 2002-dii isku sharraxay kursiga dalka Kenya ugu sarreeya, ayaa waxa ka hor istaagay Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Inkasta oo uu haystay Shahaadooyin badan oo Jaamacadeed, haddana Siyaasigaasi wuxuu Geeriyooday isagoon shaqo Caadi ah weli ka shaqaynin, sida uu ku warramay Wargeyska Daily Monitor.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka