Trump Oo Soo Jeediyey In La Dilo Dadka Sameeya Dambiyada Cunsuriyadda Ku Salaysan

USA (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in Maraykanku uu si wada-jir ah uu Hal Cod ugu cambaareeyo nacaybka iyo waxa loogu yeedho ‘Sarraynta Caddaanka ama sarraynta dadka Caddaanka ah ee Maraykanka’.

Madaxweynaha ayaa sidan soo jeediyey, ka dib markii toogashooyin Xidhiidh ahi ay Toddobaadkan ka dhaceen Gobollada Maraykanka qaarkood, Toogashooyinkaasi oo sababay dhimashada 30 Ruux.

“Xanuunnada Maskaxda iyo Nacaybka ayaa keenaya (Weerarradan)..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump, “Laakiin maaha Hubka” ayuu hadalkiisa raaciyey isagoo u duur-xulaya Dadka u ololeeya in Dadka rayidka ah laga mabnuuco haysashada Hubka, maaddaama oo Weerarrada ay Dadka Rayidka ahi geystaan ku soo badanayaan.

“Waxa waajib ah in Qarankeenu uu Hal Cod ku cambaareeyo Nacaybka, Sinaan la’aanta iyo Sarraynta Caddaanka..” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump oo Isniintii Maanta Qaranka Maraykanka u jeediyey hadal ku saabsan Weerarro Shalay ka dhacay Gobollada Texas iyo Ohio.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in la dilo Dadka sameeya Falalka Cunsuriyadda ah, sida uu baahiyey Wargeyska The Independent.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka