Trump Oo Khudbad Uu Jeediyey Ku Cambaareeyey Cunsuriyada Iyo Saraynta Cadaanka Dalkiisa

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dawladda Maraykanku ay cambaaraynayso nacaybka, cunsuriyada, dulqaad la’aanta iyo saraynta Cadaanka kadib markii Toogasho ay dadka badan ku dhinteen ay ka dhacday gobolka Texas, kaas oo uu ku tilmaantay inuu falkaasi ahaa mid ay dhiirigalisay cunsuriyad nacayb ku salaysan.

Ninka dablayda ah ee maalintii sabtidii dilay 20-ka qof ee ay ku jireen lix muwaadin oo Mexican ah, ee ka dhacay El Paso, oo ku dhaw xadka Mexico. Halka saacado yar ka dib nin hubaysan uu weerar ka geystay Dayton, Ohio, isagoo halkaasi ku dilay sagaal qof. Halka Daraasiin kale ay ku dhaawacmeen weeraradaasi.

Baadhayaasha ayaa ayaa rumaysan in ninka toogashada ka geystay El Paso uu muuqaal toos ah uu iska duubay markii uu bartilmaameedsanayey goob mashquul badan oo laga dukaamaysto.

“Ninka toogashada ka geystay El Paso waxa uu soo gudbiyey muuqaal, dhiirigalinaya nacaybka cunsuriyad,” ayuu Trump ku yidhi Khudbad qaran oo uu maanta u jeediyey shacabka dalka Maraykanka.

“Hal cod, waa in wadankeenu ku cambaareeyo cunsuriyada, dulqaad la’aanta iyo saraynta cadaanka,” ayuu intaasi ku daray “In fikradaha xun laga waantoobo. Nacaybkuna aanu meel ku lahayn Maraykanka.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.