Pakistan Oo Sharci Daro Ku Tilmaantay Talaabada India Ee Jammu Iyo Kashmir

Islamabad, (HCTV) – Dalka Pakistan ayaa sheegay inay qaadi doonaan talaabo kasta oo suuragal ah oo ay kaga jawaabayaan talaabadii sharci-darada ahayd ee India ay ka samaysay dhulka ay haysato ee Kashmir.

Jawaabtan ka soo yeedhay dalka Pakistan ayaa imanaysa waxyar ka dib markii dawlada uu hogaamiyo Raysal Wasaare Narendra Modi ee dalka India ay ku dhaqaaqday talaabo ay ku wiiqayso xaqa gaarka ah ee dadka degan dhulka Kashmir oo ay xoog ku haysato, taas oo ciidamo xoog leh soo dhoobtay magaalada, halka Telefoonada iyo Internet-kana ay ka jartay, sida ay sheegtay Wasaarada Arimaha dibada Pakistan oo soo saartay War-saxaafadeed ay ku cambaaraynayo faragalinta ay ku samaysay dhulkaas oo beesha caalamku ay u aqoonsan tahay meel lagu muran san yahay.

“Ma Jirto talaabo dhinac kaliya ah oo dawlada India ay ku badali karto heerka dhulkan lagu muransan yahay, oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ka soo saaray, Go’aankaasina maaha mid ay waligood aqbalayaan dadka Iok iyo Pakistan.”  Ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay dalka Pakistan.

Waxaana sidoo kale lagu yidhi “Maadaama oo caalamiyan lagu muransan yahay, Pakistan waxa ay qaadi doontaa dhamaan wadooyinka u furan ee suuragalka ah si ay uga hortimaado talaabadan sharci-darada ah ee dalka India ku dhaqaaqay.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.