Nin Doonaya In Sigaarka Laga Mamnuuco Kenya Oo Dacwad U Gudbiyey Maxkamada Sare

Nairobi, (HCTV) – Ibraahim Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah dadka degan Nairobi ayaa doonaya in laga mamnuuco sigaar cabidda gudaha dalka Kenya.

Dacwadan ka dhan ah Sigaarka oo maxkamadda sare uu u gudbiyey Ibraahimm Maxamuud Ibraahim ayaa waxa uu kaga soo horjeeda oo uu masuuliyada arintaasi uu ku dhalleeceeyay dowladda oo uu sheegay inay oggolaato soosaarka, farsamaynta, qeybinta, maaraynta, faafinta iyo isticmaalka tubaakada ee dalka Kenya iyada oo aan loo eegin saameynta ay ku leedahay caafimaadka. Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation.

Mr Ibrahim wuxuu dacwad ka gudbiyey Wasaaradda Caafimaadka, Xoghayaha Golaha Sicily Kariuki iyo Xeer Ilaaliyaha Guud oo ay ku jiraan kiiska ama dacwada shirkadda sameysa sigaarka ee British American Tobacco (BAT).

Wuxuu ku dooday qodobo ka mid ah Sharciga Tubaakada oo oggolaanaya soosaarka, liisanka iibinta iyo isticmaalka tubaakada qaabab kala duwan, inkastoo uu sheegay inuu caafimaadka reer Kenya u saameeyo oo uu ku keeno cudurka kansarka iyo cudurada kale ee ka dhasha sigaar cabista.

Wuxuu ku dooday in beeralleyda, soosaarayaasha, ganacsatada iyo macaamiisha ay khatar ku jiraan haddana dowladdu ay samaysay jawi suurtagelinaya qof walba cabida sigaarka uu khatar kala kulmayo.

Qareenkiisa George Kithi ayaa yidhi “Codsaduhu wuxuu ka hortagayaa haysashada tubaakada inay tahay badeecad sharci loo heli karo isticmaalkeeda iyo cabideeda in goobaha shacabka laga mamnuuco, iyadoo si weyn looga fiirsanayo saamaynta korodhay, ee cabitaanka, iibinta iyo isticmaalka ay leedahay,” ayuu yidhi qareenkiisa George Kithi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.