20 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Masar Iyo 47 Kale Oo Ku Dhaawacmay

Qaahira (HCTV) – Qarax xooggan ayaa ka dhacay Caasimadda Dalka Masar ee Qaahira.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaadhi waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa lala beegsaday meel dibedda ka ah Cisbitaal lagu daweeyo Xanuunka Kansarka, kaasi oo ku yaalla Badhtamaha Magaalada Qaahira, waxaana illaa hadda inta la ogyahay ku Geeriyooday 20 Qof, waxaana ku dhaawacmay Dad ka badan 47 Qof.

Dawladda Masar ayaa Masuuliyadda Qaraxan ku eedaysay koox ka go’day ururka Masar laga mabnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.

Masuuliyiinta Masar waxay sheegeen in Qaraxu uu sababay Holac ka kacay Gaadhiga, kaasi oo waxyeelo soo gaadhsiiyey Cisbitaalka uu Qaraxu Agtiisa ka dhacay iyo dhismayaal kale.

Qaraxan waxa Cambaareeyay Dawlado ay ka mid tahay Dawladda Isku Tagga Imaaraadka Carabta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka