Maali: Kooxo Xag-Jir Ah Oo Furay 600 Dugsiyo Waxbarasho

Mali (HCTV) – Kooxo Islaamiyiin Mitidiin ah ayaa deegaano ay maamulaan ka furay in ka badan 600 dugsiyo waxbarasho.

War-bixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay Kooxo Xagjir ah oo ay ka mid tahay Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ay xuduudka Dalalka Maalin iyo Burkina Faso ka fureen dugsiyo Waxbarasho oo ka badan 600.

Kooxda JNIM ayaa si joogto ah weerarro uga fulisa gudaha Dalka Mali iyo Dalka ay jaarka yihiin ee Burkina Faso.

labada Waddan ee Mali iyo Burkina Faso ayaa si isku mid ah ula kulma Weerarrada kooxahan Xag-jirka ah.

Faransiiska oo ah hore u gumaysan jiray Maalin ayay Gobolka ka joogaan Kumanaan Ciidammo ahi, waxayna illaa sannadkii 2013-kii wadeen Hawl-gallo ay dib ugu riixayaan Islaamiyiintu dhul ay haysteen.

Dugsiyada Waxbarashada ee ay fureen kooxaha Xagjirka ah lama sheegin waxay ku dhigaan ama Carruurta deegaannada ay haystaan ku baraan, balse waxa cusub in Kooxo Xagjir ahi ay Dugsiyo Waxbarasho oo intaasi leeg furaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka