Buuhoodle: 2 Ceel-biyood Oo Fadhiistay, Dadka & Duunyada Oo Biyo La’aan Waajahaya

Buuhoodle (HCTV) – Dadka iyo Xoolaha ku dhaqan Degmada Buuhoodle iyo deegaannada ku xeeran ayaa waajahaya Biyo la’aan, ka dib markii ay xumaadeen oo ay fadhiisteen laba Ceel oo Dadka iyo Duunyaduba ka cabbi jirtay.

Labada Riig oo midkood dhanka Bari ka xigo Magaalada Buuhoodle, midna uu ku yaallo Deegaanka Xadhadhan oo qiyaastii 21KM dhinaca galbeed ka xiga Magaalada Buuhoodle ayaa fadhiistay, taasina waxay keentay Xaalad culus oo biyo la’aaneed.

Guddoomiyaha Buuhoodle u jooga Maamul-gobolleedka Puntland iyo Xubno kale oo Maanta kormeer ku tagay halkaasi isla-markaana u kuur-galay Xaaladda labada Riig ayaa baaq u diray Puntland iyo Hay’adaha gargaarka, waxayna u soo jeediyeen inay Gacan ka geystaan sidii loo kicin lahaa labada Riigba.

Odayaasha deegaannada ay labada Riig ku yaallaan ayaa mid mid  uga hadlay dhibaatada ay ku hayso biyo la’aantu markii ay xumaadeen Ceelashii ay ka cabbi jireen “Riiggii biyaha ee ka taagnaa Gobolka Buuhoodle oo la odhan karo wuxuu ahaa Riiggii lagu degganaa ee Hawdka oo dhan ka cabbi jireen Dad iyo Duunyaba, waxyeeladiisu (Markii uu fadhiistay) dhibaato weyn (oo biyo  la’aaneed) ayuu keenay, imikana wuu fadhiyaa, sidaasi darteed waxaanu Dawladda iyo Hay’adaha leenahay waanu ku dhibaatoonay Riiggan ee waxaanu ka codsanaynaa in hagaajintiisa la naga caawiyo..”

Mid kale oo ka mid ah Odayaasha baaqa diray ayaa sheegay “Waxa kale oo naga xumaaday Riiggii deegaanka Xadhadhanka, markaa waxaanu ka codsanaynaa Maamulka Puntland iyo Hay’aduhu inay naga caawiyaan sidii loo hagaajin lahaa, Waayo? Ceelkaa Sanad iyo badh lagama cabbin.”ayuu yidhi

Guddoomiyaha Buuhoodle ee Puntland oo isaguna Warbaahinta la hadlay intii uu kormeerka ku jiray ayuu sheegay “Ceelkan aad aragtaan waa Ceel ku yaalla Bariga Buuhoodle, waa Ceel laf-dhabar u ah Buuhoodle, Ceelkan waxa ka cabbi jiray Xoolaha ka yimaadda dhinaca Itoobiya, waana Riiggii labaad ee Buuhoodle ee fadhiya..” ayuu yidhi, waxaau intaa ku daray “Ceelka deegaanka Xadhadhan wuxuu dhinaca Galbeed ka xigaa Buuhoodle, qiyaastii 21KM..”

Maamulidda Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle waxa isku haysta Somaliland iyo Puntland, taasina waxay saamayn  ku yeelatay adeegyada Bulshada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka