Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibedda Hindiya Oo Geeriyootay

India (HCTV) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Dalka Hindiya, Sushma Swaraj ayaa Geeriyootay.

Sushma Swaraj oo da’deedu ahayd 67 ayaa Salaasada Maanta Magaalada Delhi ugu Geeriyootay Wadne Xanuun ku soo booday, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Dalka Hindiya.

Wararka la xidhiidha Geerida Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Hindiya ayaa sheegaya in Saacadda Delhi markay ahayd 10.15pm la dhigay qaybta Xaaladaha Deg-degga ah ee Cisbitaal ku yaalla Magaalada Delhi ee Caasimadda Dalka Hindiya, halkaasi oo ay markii dambe ku Geeriyootay.

Swaraj oo ahayd Halgamaa ayaa xilligan haysay Xilka Guddoomiyaha Xisbiga Bharatiya Janata Party.

Sushma Swaraj ayaa bishii November ee sannadkii hore ku dhawaaqday in aanay ka qayb-galaynin doorashooyinka guud ee dalka Hindiya, sababo la xidhiidha dhibaatooyin Caafimaad-darro.

Haweenaydan ayaa ka mid ahayd Siyaasiyiinta uu loolanka adag ee dhinaca siyaasaddu dhex maray Raysal-wasaaraha Hindiya Mr Modi, bilihii u horreeyay ee uu hayey Xukunka Dalka Hindiya.

Laakiin, Raysal-wasaare Modi oo Qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka kaga hadlay Geerideeda ayaa sheegay inay si gaar ah isaga u taabatay dhimashada Swaraj.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka