Somalia Oo Ka Qaybgashay Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika

Johannesburg, (HCTV) –  Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qaybgalay shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada  Johannesburg  ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ka jeediyay khudbad Af-Ingiriisi ahayd oo uu kaga hadlay dhowr arimood oo khuseeyay Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxyaabaha uu Guddoomiyaha golaha shacabka uu khudbadiisa diiradda ku saaray waxaa ka mid ahaa xal u helida Arrimaha dadka barakacyaasha ah oo ah dadka gudaha ku barakacay iyo sidoo kale qaxootiga isagoo tusaale usoo qaatay xadigga ama tirada dadka qaxootiga ah ee Afrika ,sidoo kalena Marka la eego dadka gudaha ku barakacay Soomaaliya uu yahay waddanka ugu badan, dhanka Soomaaliya xal u helida arrinta barakacyaasha iyo qaxootiga ay marka hore ka horeyso sida uu sheegay in dalka dhaqaale ahaan kor loo qaado isagoo tilmaamay in haddii kobac dhaqaale uu yimaado arrimaha qaxootiga iyo barakacyaashana xalkeeda la helaayo.

Mar uu ka hadlayay kaalinta hay’addaha ka shaqeeya dhinaca bani’aadanimada waxa uu sheegay in uu jiro gaabis dhankoooda ama doorkooda arrimahaas la xiriirta oo aan u muuqan sidii loo baahnaa taasina uu sheegay in laf ahaanteeda ay tahay mid u baahan in xalkeeda la raadiyo.

Maxamed Mursal ,Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhammaan dalalka Qaaradda Afrika gaar ahaan baarlamaanada Afrika waxa uu u sheegay in loo baahanyahay qorshe guud oo wax looga qabto Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha si taas ay suuragal u noqotana ay muhiim tahay in guud ahaan dalalka Afrika ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.