Trump Oo Booqanaya Meelihii Toogashadu Ka Dhacday Iyo Reer Texas Oo Aan Soo Dhaweyn Doonin

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa booqan doona goobihii ay ka dhaceen toogashada dad badan oo rayad ah oo lagu laayey Ohio iyo Texas iyadoo loogu digay inaan laga soo dhaweyn doonin.

Weeraradii ka dhacay Dayton iyo El Paso waxaa ku dhintey 31 qof.

Inkastoo Madaxweyne Trump uu ka hadlay cunsuriyada iyo nacaybka ka dambeeya toogashada laakiinse waxa lagu eedeeyay inuu taageero isla aragtida uu cambaareeyo.

Haweeneyda u tartantay xisbiga Dimuqraadiga ah ee mataleysa El Paso ayaa sheegtay in aanay la kulmi doonin Madaxweynaha, kuna boorisay isaga in uu fahmo in ereyadiisa “ay leeyihiin cawaaqib xumo cunsuriyadi ku dheehantahay”.

“Waan diiday in aan ku biiro iyada oo aan wadahadal ku saabsan xanuunka cunsuriyadda iyo ereyada nacaybka & ficillada ay u geysteen bulshadeena iyo dalkeenna,” Veronica Escobar ayaa ku soo qortay barteeda twitter-ka.

Toogashada El Paso waxaa loola dhaqmayaa sidii dambi nacayb suurta gal ah. Inta badan magaalada waxaa loo aqoonsadaa inay yihiin Hispanic ama Latino waxaana eedaysanaha loo haystaa inuu yahay qoraaga qoraalka lagu soo qoray internetka kaas oo yidhi “weerarkani jawaab ayuu u yahay duulaanka Hispanic ee Texas”.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.