Madaxweynaha Somaliland Oo Socdaal Ugu Baxay Sucuudi Carabiya

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u ambabaxaya dalka Sucuudi Carabiya oo uu ku soo gudan doono waajibaadka Hajka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale ay wararku sheegayaan inuu martiqaad rasmi ah uu ka helay dalka Sucuudi Carabiya, waxaanu Madaxweynuhu dalkaasi kula kulmi doono Boqor Maxamed Bin Salmaan.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Safarkan Madaxweynaha Somaliland uu ugu baxayo dalka Sucuudi Carabiya ayaa waxa ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisa Iyo xubno ka tirsan qoyska Madaxweynaha oo soo xaji doona.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA