Pakistan Oo Hoos U Dhigtay Heerka Xidhiidhka Diblomaasiyadeed Ee Hindiya

Islamabad, (HCTV) – Dalka Pakistan ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay inuu hoos u dhigay xeerka “downgrade” xidhiidhka diblomaasiyadeed, isla markaana ay hakiyeen xidhiidhadii heshiiyada ganacsi ee ay la lahaayeen dalka HIndiya kadib markii dawlada New Delhi ay ku dhawaaqday inay meesha ka saartay heerkii sharci ee lagu dhaqi jiray Kashmir.

Dalka Pakistan ayaa sidaasi ku sheegay War-qoraal ah oo ay ka soo saareen kulan Islamabad ay ku yeesheen masuuliyiinta dalka Pakistan, gaar ahaana Guddida Amaanka Qaranka dalkaasi oo uu shir-gudoominayey Raysal Wasaare Imran Khan.

Sidoo kale dalka Pakistan ayaa u yeedhay Safiirkii u fadhiyey New Delhi iyagoo dib u celiyey Wasiirka dalka Hindiya ka fadhiyey dalka Pakistan, waxaana sidoo kale dalka Pakistan laga eryey Commissioner miisaan lahaa, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha dibada Pakistan, Shah Mehmood Qureshi oo telefishanka dalkiisa ka hadlay.

Labadan dal ee Hindiya iyo Pakistan oo xiisadi ka dhex aloosan tahay wakhti xaadirkan ayaa ah laba dal oo jaar ah oo ku hubaysan hubka wax baabiiye ee Nuclear-ka.

Labada dal ee Shiinaha iyo Pakistan oo jaar la ah dalka Hindiya ayaa labadooduba ka soo horjeestay talaabadaasi xadgudubka ah ee Hindiya ay samaysa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.