Kooxda Al-shabaab Oo Burburisay Xarun Isgaadhsiineed Oo Kenya Ku Taallay

Kenya (HCTV) – Kooxda Al-shabaab ayaa weerartay Xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxayna burburiyeen Xarun Isgaadhsiineed oo ku yaalla xuduudka Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Mohamed Birik oo Xaqiijiyey Weerarkan ayaa sheegay in Dagaalyahanno Al-shabaab ahi weerar ka fuliyeen Xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan meesha la yidhaahdo Hulugho, ka dibna ay burburiyeen Taawar isgaadhsiineed oo ay lahayd shirkadda Safaricom.

Sarkaalkani wuxuu ballan-qaaday inay dedaal badan ku bixin doonaan in aanay Al-shabaab u gudbin Xuduudka Kenya.

Ciidammada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa sidan oo kale dhowr jeer burburiyey Xarumo Isgaadhsiineed oo ay lahayd Shirkadda Hormood ee ka shaqaysa Gobollada Koonfurta Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka