British Airways Oo Joojisay In Ka Badan 100 Duulimaad Markii Hanaanka Computer-radu Shaqayn Waayeen

London, (HCTV) – Shirkadda diyaaradaha ee British Airways ayaa joojisay tiro ka badan 100 maanta oo Arbaca ah kadib markii hanaankii computer-rada ee shirkadahaasi ay ciladi la soo daristay.

Joojintan ayaa saamaysay kumanaan qof oo ka safri lahaa madaarada London ee Heathrow iyo Gatwich airports. Halka 300 Duulimaad ay wajaheen dib u dhac saacad ku dhawaad ah, sida lagu baahiyey Website-ka shirkadda.

Shirkadda British Airways, oo ah shirkadd ay leeyihiin koox shirkaddo Caalami ah (ICAGY), ayaa sheegay in ay baadhayaan cilada oo uu bilaabmi doono duulimaadu markii ay ahaan hanaanka computeradoodu ay ciladoobeen, waxaanay tilmaameen inay isticmaalayaan hanaan manual ah oo soo kabasho ah si ay usii wadaan hawlaha duulimaadyada.

Afhayeen u hadlay diyaarada ayaa sheegay inay u ogolaanayaan macaamiisha duulimaadyadooda la joojiyey in dib isku diiwaangaliyaan “rebook) inta u dhaxaysa August 8 iyo August 13.

Hase yeeshee British Airways shirkaddu may sheegin waxa sababay cilada computer-radooda.

Mana aha markii ugu horaysay ee shirkaddu ay la kulanto ciladan Computer-rada ee London ka dhaca.

Sanadkii 2017 ayay ahayd markii British Airways ay joojisay dhamaan duulimaadyadeedii ka kici lahaa Heathrow iyo Gatwich airports kadib markii hanaanka Tignoolayadia ee IT-ga loo yaqaanaa ay istaageen, taas oo xiligaasi saamaysay 75,000 macaamiil ah.

https://edition.cnn.com/2019/08/07/business/british-airways-london-flights-canceled/index.html

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.