Turkiga Iyo Maraykanka Oo Heshiis Ka Gaadhay Hawlgaladooda Suuriya

Ankara/Washington, (HCTV) –  Dawladaha Turkiga iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyey inay sameeyaan meel xudun u noqota hawlgalada wadajirka ah si ay usugu dubaridaan qorshe meel amaan ah oo laga sameeyo Waqooyiga Suuriya, sida uu sheegay Wasiirka difaaca ee dalka Turkigu.

Dhawaaqan ka soo yeedhay maanta oo Arbaca ah ayaa imanaya wadahadal saddex maalmood u socday labadan dal ee gaashaanbuurta NATO ah.

Dalka Turkiga ayaa hore ugu eedeeyey Maraykanka inay xidhidh la leedahay Kurdishka Turkiga ee YPG oo ka dagaalama waqooyiga Suuriya.

Waxaanay dawlada Turkigu ay kooxaha Kurdishka ah u aqoonsan tahay inay yihiin kooxo gooni-ugoosad Argagixiso ah, kuwaas oo inta badan dawlada Maraykanku ay olog la tahay maadaama oo ay Maraykanku kala kaashaday kooxdaasi la dagaalanka kooxda dawlada Islaamka ee Daacisho.

Labadan dal ee Turkiga iyo Maraykanka ayaa isku waafaqay inay sameeyaan meel amaan ah “oo noqota jid nabad ah” sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dalka Turkiga, kaas oo intaa ku daraya in ujeedaduna ay tahay in aqoontiga Suuriya ee ku sugan Turkiga dib loogu celiyo dalkooda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.