Haweenay Xildhibaan Ah Oo Baarlamaanka Kenya Laga Saaray Markii Ay Lasoo Gashay Ilmo Yar

Nairobi, (HCTV) – Zuleika Hassan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa fadhigii baarlamaanka la soo gashay ilmo ay dhashay oo shan bilood jiray.

Hase yeeshee Markii haweenaydaasi ay Baarlamaanka la soo gashay ilmahaasi oo ay tilmaantay inay sababtay xaaladd degdeg ah oo la soo gudboonaatay Haweenayda ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Christopher Omulele uu amar ku bixiyey in dibada loo saaray oo ay ku soo noqoto fadhiga Baarlamaanka iyadoo aan sidan.

Talaabadan uu ku kacay gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya ayaa waxa ka dhalatay cambaaraybn xoog leh oo loo soo jeediyey, taas oo xubno xildhibaano oo ragg ahi ay ku eedeeyeen gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku dhaqaaqay talaabo naxariis daro ah oo ay ku tilmaameen sida uu haweenaydaasi uga saaray Baarlamaanka.

Haweenayda Xildhibaanka ah ee Ms Hassan ayaa ugu baaqday baarlamaanku inuu abuuro jawi saaxiibtinimo oo ay qoysaska u muujiyaan si loo helo xubno Hawen ah oo tiro badan oo Baarlamaanka ka mid ah.

Sanadkii 2017 ayaya ahayd markii Xildhibaanada dalka Kenya ay meel mariyeen sharci u ogolaanaya shaqaalaha Haweenka ah loo sameeyo meelo ay caruurtooda ku naasnuujiyaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.