Dhul-gariir ka dhacay Dalka Thaiwan

Thaiwan (HCTV) – Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 6.0 magnitude ka dhacay Waqooyi-bari Dalka Thaiwan.

Dhul-gariirkan ayaa sababay khasaare sahlan , sida ay sheegeen Madaxda Dalkaasi oo soo xiganaya Hay’adaha Arrimahaa u qaabilsan.

Hay’adda la socodka Dhul-gariirka ee Thaiwan ayaa sheegtay in dhul-gariirku ka soo bilaabmay Bad-weynta Pacific-ga, gaar ahaan meel 36KM Koonfur-bari ka xigta Magaalada Yilan.

Dhul-gariirkan ayaa kor u qaadday biyaha Badda ee ku dhow Yilan, taasina waxay sababtay in biyo sida Duufaanka u socdaa Magaalada soo galaan, isla-markaana waxyeeleeyaan Dhismayaasha oo ay dumiyaan dhismayaasha iyo Alaabooyinkii yaallay.

illaa hadda lama sheegin wax dhimasho ah, balse Qoysas gaadhaya 1000 ayaa Laydhku ka maqan yahay muddo dheer.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka