Somaliland: Doorashada Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaannada Oo Mar Kale Dib U Dhacaya

Hargeysa (HCTV) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aanay xilligeeda ku dhacayn doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannadu, kuwaasi oo muddaysnaa inay dalka ka dhacaan bisha December ee sanadkan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Saxaafadda la hadlay Maanta ayaa ku dhawaaqay Warka ah in aanay doorashadu ku qabsoomayn xilligii loo muddeeyay.

Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxa kale oo uu sheegay inay arrintan la wadaageen Madaxweynaha iyo Cid kasta oo kale oo ay khusaysay.

Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo degaannada ayaan dhowr jeer oo hore sidan oo kale dib ugu dhacday.

Golaha Wakiillada ayaa shaqada ku sii wada muddo-kordhin loo sameeyay sannadkii hore, balse Goleyaasha deegaannada ayaa si bilaa sharci ah ku haya xilka, ka dib markii ay ka dhamaatay muddo kordhin hal mar loo sameeyay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka