Sababta Mar Kale Dib U Ridday Doorashada Goleyaasha Wakiilllada Iyo Deegaannada Somaliland (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Shir-jaraa’id oo uu Maanta Magaalada Hargeysa ku qabtay Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Soomaaliya, ayuu ku sheegay inay mar kale dib u dhacday doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada.

Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ayaa qorshuhu ahaa inay qabsoonto 12-ka bisha December, 2019-ka.

Guddoomiyaha Komiishanka, Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Markaanu aragnay xeerkii lagu geli lahaa Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanku aanay weli diyaar ahayn oo xeerkii hor-yaallo Golaha wakiillada, dib u furistii diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka  oo aan weli qabsoomin, muranadii taagtaa dartood.”

Eng. Warsame waxa kale oo uu sheegay “Komiishanka doorashooyinka Qaranku waxay caddaynaysaa in doorashooyinkii Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee la qorsheeyay in la qabto 12-ka December, 2019, oo ah Bil ka hor dhammaadka muddo xileedka Golaha Wakiilladu aanay farsamo ahaan iyo Sharci ahaanba qabsoomi karayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu u gudbinay Madaxweynaha Warqad, waxaana laga doonayaa inuu muddo dhan 15 Cisho uu digreeto ku jawaabo, markaa Warqaddaasi way naga baxday oo Madaxtooyada way u tagtay…”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka