Dawaldda Somalia Oo Sharuud Ku Xidhay Natiijada Doorashada Jubbaland

Muqdisho, (HCTV) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasaarraddu marnaba aanay aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Jubbaland, haddii aan la raacin qoddobo ay Wasaarraddu ka dalbatay maamulka Jubbaland in lagu saleeyo doorashada.

War-qoraal ah oo maanta ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maamulka Jubbaland hor dhigtay Saddex qodob oo kala ah in Odayaasha soo xulaya xildhibaanada la waafajiyo Diwaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, in Marka hore la soo dhameystiro xildhibaanada kaddibna ay iska dhex doortaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddida doorasho iyo in doorashu ku dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia, kaas oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan;

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.