Warbixin Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Qarixii Lagu Dilay Duqii Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Amniga ee dawlada federalka ee Somalia ayaa lagu soo bandhigay baadhitaan hordhac ah oo xukuumada Somalia ay ka soo saartay qaabkii uu u dhacay iyo cidii ka dambaysay weerarkii Is-qarxinta ahaa ee ka dhacay xarunta dawlada Hoose ee magaalada Muqdisho ee Somalia oo uu ku geeriyooday Maayarkii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisow.

Warbixintan ka soo baxay Wasaarada Amniga ee Somalia ayaa lagu sheegay iyadoo Wasaarada Amnigu tixraacayso warbixin baadhiseed hordhac ah oo ay sameeyeen hay’addaha amniga ee dawlada Somalia, kuna saabsan qarixii ka dhacay xarunta dawlada Hoose ee Xamar 24-kii July 2019-ka.

Waxay Wasaarada amniga Somalia ay la wadaagaysaa bulshada Soomaaliyeed, in falkaasi uu ahaa dhibaato loo gaystay shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana Baadhitaan hordhac ah oo ay samaysay hay’addaha amniga Somalia lagu ogaaday inay is-qarxisay ruux nafteed haligto ah oo dumar ah, sida war-saxaafadeedka lagu yidhi.

Kana shaqaynaysay dawladda Hoose ee Xamar, iyadoo kaalmo ka helaysa ruux kale oo dumar ah oo ku qornaa kaaliye shaqaale oo dawlada Hoose ka tirsan.

Labada gabdhood ayaa baadhitaanka lagu cadeeyey inaan loo dhamaystiran hubintii loo baahnaa markii la shaqaalaysiinayey, sida lagu ogaaday baadhitaanka labada dumarka ah, kuwaas oo fasaxyo isku dhow oo bil gudaheed ah ay wada qaateen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.