Tiro Ka Badan Laba million Oo Muslimiin Ah Oo Gudashada Xajku U Bilaabantay

Makka, (HCTV) – Dad tiradoodu ka badan tahay laba million oo Muslimiin ah ayay u bilaabantay gudashada waajibaadka xajka oo sanad kasta loo tago dalka Sucuudi Carabiya.

Gudashada waajibaadka Xajka ayaa lagu waajibiyey qof kasta oo Muslim ah oo dhaqaale ahaan iyo jidh ahaanba u awooda hal mar inta uu noolyahay.

Jimcihii maanta, ayaya xujaajku isugu soo urureen Mina, oo ku taala Makka, si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka xajka.

Cimilada ayaa gaadhay ilaa 40 degrees Celsius, waxaanay xujaajku dooxada Mina ay u dhaafi doonaan buurta Arafat iyo Mecca.

Raga iyagu xajka gudanaya ayaa xidhan laba go’o oo cadcad si ay ugu daboolaan jidhkooda, iyagoo xidhanaya waajibaadka xajka, halka haweenkuna ay xidhan yihiin dhar jidhkooda wada daboola.

Xujaajta ayaan loo ogolayn inay timahooa xiiraan, iyo inay wax xidhiidh galo ah ay sameeyaan.

Waxaana halka ugu saraysa ee Xajku ay tahay oo ku jirta dabaaldega Ciida al-Odxa, taas oo mid ka mid ah labada Ciidood ee ugu weyn ee Muslimiintu leeyihiin.

Waxaana lagu qiyaasaa in 25-kii sanadood ee u dambeeyey ay Waajibaadka Xajka soo guteen dad tiraedoodu gaadhayso 54 Xujay ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta dawlada ee Xajka qaabilsan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.