Ingiriiska Oo Caawa Laydh La’aani Ka Dhacday

London, (HCTV) – Kumanaan qof ayay saamayn ku yeelatay Laydh la’aan soo food saartay meelo badan oo dalka Ingiriiska ah, taas oo saamaysay guryaha iyo noocyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha qaada.

Shirkadda laydhka dalkaasi ee National Grid the Electricity System Operator (ESO) ayaa sheegay in labadii mishiin ee laydhka bixin jiray ay sababtu ka dhalatay, waxaanay tilmaameen in wakhti xaadirkan la xaliyey arintaasi.

Meelaha Laydh La’aantu saamaysay ayaa lagu soo waramayaa inay ka mid yihiin South East, Midlands, South West, North East and Wales.

Tareenadii dadka qaadayey ayaa dib u dhacay iyadoo la joojiyey in tareenaddaasi ay u baxaan meelo badan oo England iyo Wales ka tirsan, halka Ishaarooyinkii ama Laydhkii gaagiidka London kala hagayey uu shaqada joojiyey laydh la’aan awgeed.

https://www.telegraph.co.uk/news/2019/08/09/major-power-cut-across-country-london-goes-dark-national-grid/

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.