Nin Ay Walaalo Yihiin Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Oo Shir-qool Lagu Khaarajiyey

Chad (HCTV) – Ibrahim Badreddin Al Houthi oo ay Walaalo yihiin Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta ah ee dagaallada ka wada dalka Yemen, ayaa lagu khaarajiyey Shirqool ka dhacay Magaalada Sanca.

Warbaahin kala duwan ayaa baahiyey Wararka la xidhiidha Shir-qoolka lagu khaarajiyey Ibrahim Badreddin Al Houthi, waxayna sheegeen in Toddobaadkan Meydkiisa laga helay Guri ku yaalla Magaalada Sanca.

Telefiishanka Xuutiyiintu leeyihiin ee Al Masirah oo isaguna Warka Geerida Ninkan baahiyey ayaa sheegay inay dilka Ibraahim Masuul ka yihiin Xulafada Isreal iyo Maraykanka, kuwaasi oo uu dambiileyaal ku sheegay.

Telefiishanka Sucuudiga laga leeyahay ee Al-carabiya ayaa isaguna sheegay in Ninka lagu dhex khaarajiyey Gaadhigiisa Arbacadii la soo dhaafay, xilli uu Safar kaga yimid Magaalada Omran kuna socday Sanca.

Telefiishanka Al-carabiya oo Warkiisa sii wata ayaa sheegay in Dilka Ninkan ay masuul ka yihiin Dad ka mid ah Jabhadda Xuutiyiinta uu uu xusay inay qaybsan yihiin xilligan  Aragti ahaan.

Ninkan ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Jabhadda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wada Dalka Yemen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka