Akhri: Tirada Muslimiinta Sannadkan Soo Xajaysa & Gaadiidka Ay Sucuudiga Ku Gaadheen

Makka (HCTV) – Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday inay sannadkan Waajibaadka Xajka gudanayaan Muslimiin gaadhaya 2.5 Milyan.

Dadka Xajka gudanaya ee Dacallada Dunida ka kala yimid ayaa Sucuudiga ku gaadhay Gaadiid kala duwan, sida Diyaarado, Maraakiib, Doonyo iyo Gaadiidka Caadiga ah ee dhulka mara.

1.86 Milyan qof oo ka tagay Adduunka intiisa kale, ayaa gaadhay dalkaas, kuwaasi oo 1,730,967 ka mid ahi ka dageen Garoomada diyaaradaha dalkaasi, ka dib markii ay diyaarado ku soo safreen, halka Dadka ka soo Xajay waddamada Jaarka ee dhulka soo maray, ayaa tiradooda lagu sheegay 95,742 qof.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in Dadka ku soo safray Maraakiibta iyo Doonyaha ay tiradoodu dhan tahay 17,252 qof.

Waxa Xusid mudan oo Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudigu sheegtay inay sannadkan Xajka ka qayb-qaadanayaan 700,000 oo xujay ah oo ku nool gudaha Dalka Sucuudiga kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaanibka deggen dalkaas.

 

Horn Cable Tvv

Waaxda ONLINE-ka