Budhcad-badeed Soo Daayey Bad-maaxayaal Turkiga U Dhashay Oo U Afduubnaa Illaa Bishii July

Turkey (HCTV) – 10 Bad-maaxayaal u dhashay dalka Turkiga oo la afduubay bishii July ee sannadkan, ayaa la siidaayey.

Warbaahinta Dawladda Turkiga ayaa baahisay in 10-ka Bad-maaxe bishii July lagu afduubay Xeebaha Galbeedka Afrika, iyagoo oo la socday Markab nooca Koontiinarrada qaada ah oo ku jeeday Dalka Ivory Coast.

Bad-maaxayaasha Turkiga u dhashay ayaa lagu Afduubay Xeebta Nigeria, 16-kii July.

Budhcad-badeeda Afduubay ayaa Markabka kala degay 10 Bad-maaxe, waxayna halkaa kaga tageen 8 kale, sida Warku sheegay.

Telefiishanka Turkiga ee Magaciisa loo soo gaabiyo TRT ayaa sheegay in Bad-maaxayaasha la soo daayey uu Caafimaadkoodu wanaagsan yahay, balse Faahfaahin kale ma bixinin.

Ma Cadda Budhcad-badeeda Afduubtay Raggu inay qaateen Madax-furasho iyo in kale, laakiin Numan Paksoy oo ka mid ah Maamulka Shirkadda leh Markabka ay la socdeen ayaa sheegay in 12 Nin oo badhcad-badeed ahi ay weerar culus ku qaadeen Markabka markii ay Afduubayeen Ragga markii dambe ay soo daayeen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka