60 Qof Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Booyad Shidaal & 70 Dhawacmay

Tanzania (HCTV) – Inta la ogyahay Lixdan Qof ayaa ku dhintay, 70 kalena waxa soo gaadhay dhaawac culus deegaanka Morogoro ee Dalka Tanzania, ka dib markii Subaxdii hore ee Saaka ay Qaraxday Booyad Shidaal, markii uu dab ka kacay.

Wararka laga helayo Booyadda Qaraxday, ayaa sheegaya markii booyaddu Rogmatay ay ku soo xoomeen Dad doonayey inay shubtaan Shidaalku, laakiin ay Qaraxday daqiiqado ka dib, taasina sababtay dhimashada Dad gaadhaya lixdan Qof, halka dhaawacuna kor u dhaafay 70.

Dadka Qaraxa Booyadda ku dhintay waxa ku jira Dad watay mootooyin oo doonayey inay shidaal shubtaan, sida uu baahiyey Wargeyska Daily Nation oo Telefiishanka HCTV.

Gobolka Morogoro ayaa 200KM u jira magaalada Dar es Salaam ee Caasimadda Dalka Tanzania.

Dadka dhintay qaarkood ayaa cunto ku iibinayey jidka Magaalada Morogoro ee Booyaddu ku rogmatay.

Madaxa Booliska Morogoro, Wilbroad Mutafungwa ayaa xaqiijiyey Tirada Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka