Halka Lagu Qabanayo Shirka Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo La Shaaciyey (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaasi.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, Cismaan Nuur Afgaab oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiska xisbiga ee Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Shir xisbiga WADDANI uga qabsoomay xarunta 8/08/2019 oo guddiga fulintu isugu yimaaddeen waxa lagu go’aamiyey in Shirkii Golaha dhexe uu qabsoomo 28-29/09/2019, kana qabsoomo magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco. Shirkan oo mar hore dib loo dhigay xilligiisa ayuu ku qabsoomi doonaa.”

Mr. Afgaab wuxuu farriin u diray Xubnaha Golaha Dhexe oo uu u soo jeediyey in marka ugu horraysa ee ay helaan farriimaha la xidhiidha Shirkaasi ay u diyaar-garoobaan isla-markaana ka soo xaadiraan halka lagu qabanayo iyo halka kaadhadhka lagaga qayb-galayo laga qaadanayo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka