Akhri: Qarax Labaad Oo Caasimadda Denmark Ka Dhacay 4 Maalmood Gudahood

Akhri: Qarax Labaad Oo Caasimadda Denmark Ka Dhacay 4 Maalmood Gudahood

Wasiirka Beeraha Oo Waraysi Siiyey Telefiishanka HCTV (Muxuu Ka Hadlay) ?
Brazil: 57 Maxbuus Oo Ku Dhintay Isku Dhac Laba Kooxood Ku Dhexmaray Xabsiga Dhexdiisa
Roobab Xoogle Oo Ka Da’ay Mumbai Oo Khasaare Sababay
150 Qof Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhinteen Doon Kula Dagtay Badda Mediterranean-ka
Uganda: Heesaa Isku Beddelay Siyaasi Oo Museveni Kula Tartamaya doorashada 2021-ka

Denmark (HCTV) – Qarax ayaa waxyeeleeyay Saldhig boolis oo ku yaalla Caasimadda Dalka Denmark ee Copenhagen, xilli hore oo Sabtida Maanta ah.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad ee Caasimadda Danishka ka dhaca muddo Afar Maalmood gudaheed ah.

Qofna kuma dhaawacmin Qaraxa oo ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Norrebro, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliska, Jorgen Bergen Skov.

Salaasadii la soo dhaafay, Hal Qof ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay dibedda Xafiis ay leeyihiin Shirkad Tagaasida kiraysa.

Qaraxa hore waxa Boolisku ku sheegeen Qarax si ku talo-gal ah loo sameeyay, laakiin Qaraxa hore iyo ka Maanta dhacay ayaan la ogayn inay xidhiidh leeyihiin, inkasta oo ay weli xilli hore tahay oo baadhitaan socdo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: