“Dimuqradiyadda Aynu Qaadanay Waxa Laga Soo Dheegtay Sida Diinteenu Ina Farayso.” SAYLICI

Hargeysa (HCTV) – Guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ayaa Maanta si wanaagsan looga oogay Ciiddal-Odxa.

Dadweynaha reer Somaliland oo Dunida Muslimka la wadaagaya Farxadda Ciidda labaad ee ugu weyn Ciidaha labada ah ee Islaamka, ayaa Subaxdii hore ee Saaka Buux-dhaafiyey Garoommada waaweyn ee Kubadda Cagta iyo Masaajiddada si ay ugu oogaan Tukashada Salaadda Ciidda Carafo.

Dadweynaha Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ku dhaqan ayaa waxa Tukashada Salaadda kala qayb-galay Madaxda kala duwan ee Somaliland iyo Culimada, kuwaasi oo markii Salaadda la tukaday Dadweynaha u jeediyey Khudbado, waxayna Culimadu ugu baaqeen Dadweynuhu inay is-cafiyaan, halka Madaxda Dawladduna ay Shacabka ku hambalyeeyeen Farxadda Ciidda, sidoo kalena ugu baaqay inay Nabadgalyada Ilaaliyaan.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo si wanaagsan looga ciidday ayaa waxa Dadweynaha Tukashada Salaadda Ciidda kala qayb-galay Madax uu ka mid yahay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Madaxweyne ku-xigeenka oo Shacabka kula Tukaday Masjid Jaamaca Hargeysa, ayaa khudbad uu Salaadda ka dib Masaajidka ka jeediyey wuxuu Dadweynaha ugu baaqay inay Ilaahay ugu Mahad-naqaan Nimcada ay Somaliland haysato “Nimcada aynu haysanno aynu ILAAHAY ugu Mahadnaqno, Abaarihii soo noqon noqon jirey sanadkan waa laga nastay oo barwaaqo ayeynu ku jirnaa, ILAAHAY sidaas ha inoogu wado.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qaranku wuxuu ku dhismaa in qabyaalad laga tago, dimuqradiyad aynu qaadanay waxa laga soo dheegtay  sida Diinteenu ina farayso (Ee ah) in Qof kasta oo dunida ku nooli uu xaqiisa helo, xorriyaddiisa helo, naftiisa iyo maalkiisa aan lagu xad-gudbi Karin, intaas ayay Diinteenuna ina fartay oo Dimuqradiyadduna ina fartay.”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu ka hadlay dhibaatada Qabyaaladdu ku hayso Somaliland “Waynu faanaa oo Qaran 28 sanno horumar ku jiray baynu ahayn, laakiin markaynu aragno Qaran 28 sanno burbursana oo Walaaladeen ah (Soomaaliya) ayeynu isku aragnaa inaynu horumar weyn gaadhnay, laakiin haddii aan 28 sanno Qabyaaladi cagaha ina hayn Maanta halka aynu joogno toban laabkeed ayeynu joogi lahayn.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ku baaqay inay Shacabka Somaliland gacmaha isku qabsadaan in Somaliland gaadho halka yoolkeedu yahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka